Xaqiiqooyin Degdeg ah
Waqtiyada Kalawareega
![walking icon](/themes/custom/bsf/dist/img/transit_walking.png)
![walking icon](/themes/custom/bsf/dist/img/transit_driving.png)
![walking icon](/themes/custom/bsf/dist/img/transit_trains.png)
Si aad u aragto xiliyada kalawareega ee laheli karo hoos gali goobtaada.
Fadlan ogsoonoow, ardayda ayaa xaq uyeelan kara gadiid lagusoo qaado laakin waxay kuxirantahay fasalkay dhigtaan iyo inta gurigoodu ay kunool yihiin ujiro dugsiga. Fadlan kafiiri qaybta FAQ ee kusaabsan gaadiidka si aad macluumaad dheeri ah uhesho.
Diiwaangalinta
Waxyaabaha ku saabsan Dugsiga
Iskuulka William Monroe Trotter K-6 , waxaaan ku faraxsanahay in dhammaan ardadu yihiin kuwa bara misena awood u leh inay horumariyaan fikir muhiim ah oo si xushmad leh ay uga wada shaqeeyaan sidii loo abuuri lahaa bulsho dhammaan lagu soo dhaweynayo lagunala dhaqmo si sharaf iyo xushmad leh. Dugsi ahaan K-6 waxaa naga go'an in aan hubino in ardaydu ay horumariyaan caadooyin aqooneed iyo xirfado hoggaamineed oo u oggolaanaya inay ka hor tagaan xaaladda, ay bartaan in ay codkooda wadajirka ah iyo awoodda qalinka u adeegsadaan si ay isbeddelka ugu dhacaan adduunkooda. Waxaa naga go'an in aan midba midka kale la loollanno oo aan sii weynaano iyadoo loo marayo wadashaqeynteenna, dibu eegistayada oo aan tusaale ahaan ugu adeegno bulshadeena!
Hormarka Dugsiga
Xogta dadaalka ardayga oo lagusoo bandhigay hoos ayaa kasoo baxay natiijooyinka Imtaxaanka Jiilka xigga (MCAS). Si aad u hesho macluumaad dheeraad ah oo kusaabsan dugsiyada, fadlan booqo bogga internetkamassachusetts Department of Elementary and Secondary Education (DESE). Dugsiyada leh xarumo badan, xogta hoose waxay u taagan tahay dhamaan dugsiyada shabakadaas ku jira ee maahan kaliya iskuulka keli ah, haddii aan si kale loo xusin. Haddii aan xogta la muujin, looma heli karo dugsigaas (tusaale ahaan, iskuulku ma u adeegi karo wax fasal ah oo la tijaabiyay, ama dhibcaha ayaa aad ugu yar heerka la shaacin karo).
OGAYSIISKA MUHIIMKA AH: DESE masoo saarin go'aanada isla xisaabtanka dugsiga, degmada, ama gobalka ee sanad dugsiyeedka 2019-2020 sabab la xariirta joojinta imtaxaanada gobalka iyo xiritaanka dugsiga kadib markuu dilaacay COVID-19. Sidaas awgeed, ma jirto xogta dadaalka ardayga oo la heli karo oo kasoo baxday gobalka sanad dugsiyeedka 2019-2020.
Hormarka Isku Babac dhiga ah ee Dugsiga
Sidee dugsigaan loogu barbardhigi karaa waxyaabaha soo socda?
Akhrinta: Degmada
Wax qabad ka liita kan celceliska BPS ee degmada
Akhrinta: Gobolka
Waxqabad ka liita kan celceliska gobolka
Xisaabta: Degmada
Wax qabad ka liita kan celceliska BPS ee degmada
Xisaabta: Gobolka
Waxqabad ka liita kan celceliska gobolka
Imisa arday ayaa ka gudubtay MCAS?
Tan waxaa kujira dhammaan buundooyinka fasallada imtaxaanka laga qaaday ee dugsiga.
Xogta Deegaanka iyo Kala duwanaanshaha
Macluumaad dheeraad ah
Barnaamijyada Dugsiga Kadib
Barnaamij ay bixiso Imajine That kaasoo biloowda 2:00-6:00 p.m.: Caawimaada layli gurigga, casharo gaar ah, ciyaaro iyo kobcinta ayadoo la adeegsanaayo naadiyaasha sida dheesha, shaqada alwaaxa, iyo kubada kolleyga (waa lacag la'aan). Barnaamijyo badan oo lacag la'aa ah, sida City Year, tutoring, Big Sisters. Adeegyadan ma anfacayaan qoysaska ubaahan daryeelka ilmaha ee joogtada ah ee dugsiga kadib.
Sharaxaada dharka dugsiga
Ardaydeena oo dhan " waxay u labistaan guul" ayagoo xiranaya midab cad ama buluug ah iyo buluug xigeen ama hoos gashiga Khaki.
Dookhyada Taageerada
-
Barnaamijka Waxbarashada Dhalaanka oo gaar ah
Qiimaynta Habdhaqanka
-
Iskuduwaha Qoyska
Kaalkaaliyaha wakhtiga buuxa shaqeeya